Heemaal News Network
somali

M/Deni Oo Goobjoog ka Ahaa Heshiis ku kacaya 7.4 Milyan Dollar Oo ay Bixisay DFS(Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland .

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

Juurile- Boosaaso

Qardho – Garoowe

Garoowe- Brita dheer

Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland .

Related posts

War-Saxaafadeed Caawa kasoo Baxay Villa Somaliya (Akhriso)

Heemaall

M/Madoobe Oo Furay Tartanka Kubada Cagta Ee Jubaland Waqti Qarax Lagu Dilay Kooxda JCCI.(Sawiro)

Heemaall

Madaxweyne Cagjar Oo QM kala Hadlay Xal U Helida Colaada Iyo Barakaca ka Taagan Itoobiya.

Heemaall