M/Deni Oo ka War-bixiyay U Jeedka Safarka Uu Maanta ku Tegay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa safarka uu ku tegay Baydhabo waxaa uu ku sheegay in uu la xiiriiro xoojinta wada-shaqeynta labada Maamul iyo inay iskaashi wada yeeshaan.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in safarkaan uusan noqon doonin midki ugu dambeeyay o uu ku tago Magaalada Baydhabo, hayeeshee dhowr jeer oo kale ay tegi doonaan lana kulmi doonaan Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo waxaa uu la kulmai doonaa madaxda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy