Heemaal News Network

M/Kuxigeen Jubbaland Oo Lagu Qasbay Inuu ka Noqdo Shaqo Joojin Uu ku Sameeyay Wasiiro.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo saarey warqad ay ku caddahay in uu dib shaqadiisa usii wadan karo wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland.

Markey taarikhdu aheyd 22 -08-2020 ayuu madaxweyne kuxigeenka shaqada ka joojiyay wasiirka wasaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa kadib markii lagu soo eedeeyay wax Is daba marin iyo lunsasho xoolo dad wayne.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxa lagu sheegay in kadib baaritaan la sameeyay in xafiiska Madaxweynuhu ogaaday in aysan wax ka jirin eedeeymahaasi isagoo dib shaqadii ugu fasaxey wasiirka.

Wasiirka ayaa loo ogolaaday in uu gudan karo waajibaadkiisii shaqo ee wasaaradda uu hogaamiyo dibna usii wadan karo shaqadiisi una sii adeego bulshadiisa.

Related posts

Ruushka: “Siyaadii Cuqdada Iyo Aargoosiga Ku Dhisnayd Ee Obama Ayuu Soo Wadaa Biden”

Heemaall

Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu soo Dhaweeyay Magaalada Garoowe.

Heemaall

Puntland Oo Guddi U Magacaawday Khasaarihii ka Dhashay Duufaanta.(Akhriso Magacyada)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More