M/kuxigeenka Puntland Oo Booqday Deegaanka Af-urur Ee Maanta Lagala Wareegay Alshabaab.




Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cimi Cismaan (Axmed Karaash) oo hogaaminayey qaar ka tirsan golihiisa Wasiiradda ayaa tegay tuuladda Af-urur kadib markii ay ciidamadda Puntland gacantooda ay dib ugu soo noqotay.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa tuulada Af-urur ee gobolka Bari qabsaday ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin ka dib markii ay iskaga baxeen xoogagii Al-shabaab ee sadaxdii cisho ee la soo dhaafay gacanta ku hayay.

Mudane Axmed Karaash oo la hadlay daweynaha ku dhaqan tuuladda Af-urur ayaa wuxuu u sheegay inay is dejiyaan noloshoodana ay caadi dib ugu soo celiyeen.

Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Af-Urur ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana dhowr jeer ka dhacay weerar iyo qaraxyo lala beegsaday ciidamada iyo dadka shacabka ah ee tuuladaas ku dhaqan, kuwaasoo dhaliyey khasaare isu jira dhimasho iyo dhaawac.

©Wakaaladda Wararka Ee HNN
heemaalnews@gmail.com
La Wadaag Asaxaabtaada Maqaalkan

Noqo Qofkii Ugu Horeyey Ee Ka Faalooda

Ka Jawaab Celi

email-kaaga ma daabici doono.


*