Heemaal News Network
somali

Ma Waxay U Gacan-gashay Ikraan Tahliil Al-Shabaab?.(Dhageyso Xog Xasaasi ah Oo Laga Helay)

Ikraan Tahliil Faarax oo mudd ka badan labo bil la la’yahay ayaa waxaa la shaaciyey inay u gacan gashay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, sida ay sheegen saraakiil amni oo la hadlay VOA.

Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan si gaar ah diirada loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa lagu shaaciyey in Al-Shabaab ay u wateen Ikraan Tahliil gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Dhoobley.

Sidoo kale waxaa shaki weyn laga muujiyey in Ikraan ay nooshahay, ayada oo ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan inaysan xiligaan nooleyn, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Al-Shabaab. Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday.

Related posts

Xildhibaan Aamina Oo Farmaajo ku Eedeysay Baabiinta Kiiska Dhibane Ikraan Tahliil.

Heemaall

Somaliland Oo Waqti Gaaban U Qabatay Dadka Koonfurta Ee ka Ganacsada Ceerigaabo.

Heemaall

Soamli State Oo Laga Yaabo In Ay Ciidamo U Dirto Gobolka Tigree

Heemaal