Heemaal News Network
somali

Maalmulka Galmud Oo Ka Hadlay Dagaalada Ka Socda Galguduud

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka hadlay dagaal degaano ku yaal duleedka Magaalada Dhusamareb ay Ciidamada dowladda kula galeen Al-Shabaab.

Cali Daahir Ciid M Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa hambaliyo u diray Ciidamada Qalabka sida guul uu sheegay inay kasoo hooyeen dagaalkii Shalay ee degaannada Sinadhaqo iyo labi-dulle Ciidamada kula galeen Al-Shabaab.

“ Waxaa sugar ah ugu hambalyeeynayaa Guutada 15 ee qaybta 21aad ee Ciidamada Xogga Soomaaliya iyo Ciidanka NISA oo ayago shalay deegan baxad weyn ka saaray Al-shabaab, waxana ka tacsiyadeeynayaa Askarti ku shahiiday inta ay howlgalada xaq udirarka ah ay socdeen ayuu yiri” Cali Daahir Ciid.

Ciidamada dowladda gaar ahaan guutada 15 ee qaybta 21aad ayaa howlgal saacado badan qaatay waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo kula wareegay degaano dhowr ah.

Related posts

Maxuu Maxamuud Xaashi ka Yiri Loolanka Loogu Jiro Shir Gudoonka Wakiilada.?

Heemaall

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Somaliya Oo Weerar Culus ku Qaaday Ahlu Sunna.

Heemaall

Qoraalka Mudo-kordhinta Farmaajo ah Oo Golaha Shacabka loo Qeybiyay (Akhriso Qoraalka)

Heemaall