Maamul Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay dagaalkii xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaaladda Muqdisho, waxaana Puntland wax laga xumaado ay ku tilmaamtay in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni darro.
“Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay isha ku haysay waxa xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii magaaladda Muqdisho, ka dhacayay, waxaana wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland.
Sidoo kale Dowladda Ferederaalka iyo dhammaan masuuliyiinta dalka ayay Puntland ugu baaqay in aanan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed, iyadoo lagu xali karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaaladda Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.