Heemaal News Network

Maamulka Banaadir Oo Amar Adeg Dul-dhigay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Muqdisho.(Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) oo kulan Gaar ah la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banadir ayaa faray in si deg deg ah dib loogu bilaabo ololaha Wacyigelinta Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo dalka dib ugu Soo laabtay.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jaketi) Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda hoose Dr. Maxamed Caddow iyo Taliyaha Ilaalada Ciidanka Degaanka Xamar.

Cumar Filish ayaa intaas ku daray in cudurka COVID-19 uu ku soo labo kacleeyey dunida, isagoo xusay in maalmihii ugu dambeeyey kiisas badan oo cudurkaas la xiriira laga helay Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

“Gudoomiyeyaasha degmooyinka waxaan farayaa iney deg deg u bilaabaan ololaha wacyi gelinta ee cudurkan, si bulshadu uga digtoonaato khatartiisa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Filish).

Related posts

Sheekh C/raxman Dheere Oo Tooshka ku Ifiyay Oromada ka Dawarsata Hargaysa.

Heemaall

Xasan Sheekh Oo Muqdisho ka Bilaabay Abaabulka Banaanbaxa ka Dhan ah Farmaajo.

Heemaall

Borama:-Wariye Hayne Oo Fashiliyey Siro la Xidhidha Afar Xaasle Taakeeye Iyo Dilalkii Lagu Eedeyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More