Heemaal News Network

Maamulka Biden Oo Garab Istaagay Qowmiyadda Uighurs Dignina Siiyey Shiinaha

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ku booriyay xukuumadda Beijing in ay ixtiraamto xuquuqda Uighurs, Tibet iyo Hong Kong.

Xariirkii ugu horreeyay ayaa dhexmaray saraakiisha labadan dal tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

“Waxaan Shiinaha kala xisaabtami doonnaa khatar kasta oo waxyeleeysa xasiloonida, gaar ahaan Badweynta Taiwan,” ayuu Blinken ku yiri Yang Jiechi mar uu khadka taleefanka kula hadlayey.

Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday Shiinaha inay ku soo biirto beesha caalamka ee cambaareysay afgambigii ka dhacay Myanmar.

Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa halganka uu ugu jiro xuquuqda aadanaha iyo kor u qaadida dimoqraadiyadda Caalamka, oo ay qeyb ka yahiin Tibet iyo Hong Kong,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu cadaadis saarayaa arrimaha ganacsiga Shiinaha, isaga oo ku eedeeyay dhibateeynta Muslimiinta laga tirada badan yahay iyo Hong Kong.

Eedeymaha uu Mareykanka u soo jeediyay Shiinaha waxa ka mid ah losoo faafinta cudurka Corona oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay baaritaan ku hayso.

Related posts

IRAN Oo Mar kale Qaramada Midoobay U Ogolaaday Kormeerida Xarumaheeda Nukliyeerka

Heemaall

Xurunta Xaquuqul Insaanka Hargaysa Oo ka Hadashay Xadhigii Wariyayaasha Borama.

Heemaall

Farmaajo Oo Gudoomiyey Kulan Hor U Dhac Ah Iyo Hoobiyayaal Lagu Garaacay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More