Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dib U Furay Garoon Kubadda Cagta ay xireen Al-Shabaab.

Lix bilood ka dib ayaa maanta dib loo furay garoonka kubada cagta  lagu ciyaaro oo ku yaala xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kaasoo muddo lix bil ka hor ay xireen Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka oo booqday Garoonkaasi ayaa sheegay in in aan loo dulqaadan doonin in magaalada Muqdisho ka dhaqan galaan amarada ay soo saaraan Al-Shabaab, isagoo ku wargeliyay maamulka garoonka inay dib u furaan.

Waxaa uu sheegay in Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo talisyada Saldhigyada Booliska ay u xil saaran yihiin imas’uuliyadda amniga degmooyinka, isla markaana lagula xisaabtami doono.

Sikastaba ha ahaatee dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa inta badan ku ciyaara habeenkii Garoomada Xaafadaha ee goglan rooga, waxaana dhowaan Al-Shabaab ay soo saartay amaro ay ku xireyso garoomada yaryar ee gaarka loo leeyahay, taasoo noqotay caqabad soo wajahday dhalinyarada kubadda ciyaarta.

© Heemaal News Netwok