Maamulka Gobolka Gedo Oo soo Bandhigay Xubno ka Tirsan Al-Shabaab Oo Isku soo Dhiibay.

Maamulka degmada Beled-Xaawo & Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandigeen Saddex Rag ah oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Ciidanka isku soo dhiibay.

Raggaan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale.

Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa Saddexda Ragga ah Magacyadooda waxaa uu ku kala sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay Qori AK47 & , Cabdicasiis Maxamed Koosaar, kuwaas oo uu sheegay inay isa-soo dhiibeen.

Ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee la sheegay inay Ciidamada Dowladda isku soo dhiibeen ayaa waxaa ay ka howlgeli jireen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, balse ay haatan isaga baxeen Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab waxaa ay si gooni

gooni ah u soo bandhigeen Ciidamo iyo Xubno uu midba midka kale ku sheegayay in uu isku soo dhiibay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy