Heemaal News Network

Maamulka Hotel Afrik Oo War kasoo Saaray Weerarkii Lagu Qaaday Hotelkoodaasi.(Akhriso)

Maamulka hotel Afrik iyo xarunta ganacsiga ee Allamagan ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkii maalintii axadda ahayd lagu soo qaaday Hotel Afrik, waxayna alle uga baryeen inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo.

Waxay sidoo kale intii ku dhaawacantay isla weerarkaas u rajeeyeen caafimaad iyo soo kabasho degdeg ah.

Masuuliyiinta Hotelka ayaa sheegay in ay si dhaqso leh ugasoo kaban doonaan weerarkii lagu qaaday hotelka, inkastoo ay sheegeen in dhibaato weyn oo naf iyo maalba leh ka soo gaartay qoysas Soomaaliyeed

“Afrik Hotel oo ah goob ganacsi iyo adeeg bulsho oo u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed, waxay macaamiisheeda u balan qaadaysaa soo celinta iyo horumarinta adeegyadii looga bartay insha allah,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka hotelka ay soo saareen.

Hotel Afrik oo kamid ah hotelada waawayn ee Muqdisho, ayaa maalintii axada lagu qaaday weerar ay masuuliyadiisa sheegteen ururka Al-shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10qof oo shacab u badnaa.

Related posts

Shacabka Norwey Oo Si wada Jir Ah Ugu Gurmayday Qoys Lagu Xumeeyey Oslo

Heemaal

Mareykanka Oo Talaabo Milatari Ugu Hanjabay Koox Weerartay Saldhig Uu ku Leeyahay Ciraaq

Heemaall

Farmaajo Oo Shir kale ku Baaqay Iyo Madax soo Gaaray Muqdisho(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More