Heemaal News Network

Maamulka Koofur Galbeed Iyo Ismaamulka Soomalida Itoobiya DDS Oo Heshiis Amni Gaadhay

Masuuliyiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta nabad galyada deegaanka Soomaalida ayaa kulan ku yeeshay magaalada jigjiga ee xarunta DDS.

Kulankan ayaa looga wada hadlayay iskaashiga deegaanka Soomaalida iyo dawlad goboleedka koonfur galbeed sidii loo sii xoojin lahaa, loogana wada shaqayn lahaa arimaha nabad galyada, isu socodka bulshada, iyo inay labada Maamul si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada shacab gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada bulsho.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka gobolka afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo degmooyinka xuduuda la leh koonfur Galbeed.

Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo Guryaynta Soomaaliya Axmed Sheekh Maxamed ayaa sheegay in la isku afgartay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha ammaanka iyo isdhexgalka labada bulsho.

Masuuliyiinta katirsan dawlad goboleedka Koonfur Galbeed oo muddo afar maalmood ah ku sugan deegaanka Soomaalida ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Jigjiga ee dowlad deganka Soomaalida Itoobiya.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Wasiiro Cusub Magacaabay.

Heemaall

Musharixiinta Madaxweynaha Oo Dalbaday in Xilka Laga Qaado Taliyaha Awooda Badan Ee NISA

Heemaall

Kanada: Boolis U Xoog Sheegtay 20 Jir. “Fadlan I Caawiya”

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More