Heemaal News Network

Maamulka Koonfur Galbeed Oo la Wareegay Guri Shariif Xasan Baydhabo Looga Dhisayay.

Ciidamo daacad u ah Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta joojiyey Guri dibu dhis loogu samaynayay Sharif Xasan Sh. Aadan Madaxweynihii hore Maamulkaasi, waxaana Gurigu uu ku yaallaa agagaarka madaxtooyada .

Dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u xaqiijiey in Weerarka lagu qaaday Guriga shariif hassan Sheikh Adan, waxaaana weerarka lagu joojiyey dhismaha sameeyey Askar wadatay Labo gaari, kuwaasi oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hawalwadeenada hawsha qalabeynta ah waday ayaa lagu xirey saldhiga Ciidamada Booliska ee magaalada baydhabo, sida wararku sheegyaan.

Ma’uuliyiin ka tirsan Maamulka KG oo aan la xiririnay waa ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan, sidoo kale Sharif Xasan saraakiil ku dhaw dhaw waa diideen iney dhacdadan ka hadlaan.

Shariif Xasan ayaa ahaa madaxweyinihi ugu horreeyey ee KG waana aasaasihi maamulka oo si nabada Baydhaba uga tagay waxuu labo mar uu soo noqday gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waana siyaasi galangal xooggan wali ku leh siyaasadda deeganada Koonfur Galbeed, isagoo ka tirsan mushraxiinta hadda kasoo horjeeda aragtida dawladda ee doorashada .

Related posts

Iran Oo Sheegatay Mas’uuliyada Markabkii Israel Ee Shalay la Qarxiyey.

Heemaall

M/Kuxigeen Jubbaland Oo Lagu Qasbay Inuu ka Noqdo Shaqo Joojin Uu ku Sameeyay Wasiiro.

Heemaall

Wasiir Cawad-ka Xilka Laga Qaaday Caawa Oo Diiday Xil Safiirnimo Oo loo Magacaabay.(Akhriso)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More