Heemaal News Network

Maamulka Tigree Oo Sheegay IN Ay Soo Rideen Dayaarad Dagaal

Maamulka Tigray ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya isla markaana ay qabteen duuliyihii waday diyaaradda xilli uu afar toddobaad galay dagaalka ka socdo gobolkaas, sida uu ku warramay teleefishinka maamulka Tigray.

“Diyaarad dagaal nooca MIG oo ay soo direen ciidamada diktaatooriga ah ee Abiy iyo Isaias, madaxweynaha Eritrea si ay u xasuuqdo shacabka Tigray ayaa waxaa soo riday ciidamada difaaca Tigray meel u dhaw deegaanka Abiy Adi oo dhaca bartamaha gobolka, duuliyiihii diyaaraddana waa la qabtay” ayuu ku warramay teleefishinka maamulka Tigray.

Wasiirka arrimaha dimuqraadiyadda u qaabilsan dowladda Itoobiya Zadrig Abraha ayaa BBC u sheegay in wararka sheegayo in diyaarad laga soo riday uu yahay mid aan waxbo ka jirin.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.

Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle.

Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Related posts

Midowga Musharixiinta Oo M/Farmaajo Ugu Baaqay Inuu Talada ku Wareejiyaa Gole Qaran Oo KMG ah

Heemaall

Haweeney Sameeysay Cakes Anshax Xumo ah Oo loo Ekeysiiyay Xubinta Taranka Oo la Xiray

Heemaall

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dalka loo Jiheeyay Doorasho

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More