Heemaal News Network

Maamulka Tigreega Oo Qodobo kasoo Saaray Dagaalka Uu ku Qaaday Abiy Ahmed.

Maamulka deegaanka Tigray oo maanta warmuriyeed ka soo saaray dagaalka ay kula jiraan dowladda dhexe ayaa sheegay Dr Abiy Axmed inuu ka been sheegayo natiijada dagaalka ka dhalatay.

Warmurtiyeedka deegaanka Tigray ka soo baxay oo aan ka soo xigannay ‘Wakaaladda Warbaahinta Deegaanka Tigraay’ oo uu ku saxeexan yahay Getachew Reda oo ah xubnin ka tirsan guddiga fulinta TPLF waxaa si qoto dheer looga hadlay dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.

Warmurtiyeedka waxaa lagu sheegay maanta abbaara saacaddu markay ahaya 11-ka barqanimo diyaarad miig ah oo dooneysay iney duqeyn ka geysato magaalada Maqale iyo nawaaxigeeda ay soo rideen ciidamada deegaanka Tigraay. Haatanna lagu jiro baadi goobka duuliyaha iyada oo warmurtiyeedka lagu sheegay iney u badan tahay inuu duuliyaha uu halkaasi ku dhintay. Waxayna sheegeen iney diyaaradda ku dhufteen gantaalka lidka diyaaradaha.

Maamulku wuxuu sheegay diyaaradaha hawada deegaanka soo galaya iney si aad ah ula socdan balse mararka qaar ay dhici karto iney kaa soo hoos baxaan.

Diyaaradaha shalay iyo maanta damacsanaa iney duqeymo ka fuliyaan baltilmaameedyo gaar ah ujeedkooda waxaa warmurtiyeedka lagu sheegay in lagu doonayey in lagu duqeeyo magaalooyinka deegaankaasi iyo haamaha keydka shidaalka ee ku yaalla si loo wiiqo awoodda shacabka deegaanka Tigraay.

Warmurtiyeedku wuxuu intaasi ku daray duqeymaha ay deegaanka Tigraay ka sameynayaan diyaaradaha xukumdda Abiy iney socdaan iyada oo ay weli korontada iyo adeegga taleefannadaba deegaanka Tigraay ka maqan yihiin.

“Diyaaraddan ay sheegeen iney soo rdieen iyaga unbaan ka maqalnay dhinaca isgaarsiinta maadaamaa ay dhibaato ka jirto arrintaasi in la xaqiijiyo ayey u baahan tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya Adan Faarax oo BBC u warramay.

BBC SOMALI

Related posts

Daawo Guri Dhisan 85 Sanno Oo Loo Raray Goob Cusub Isaga Oo Soconaya

Heemaal

Roob khasaaro Geystay Oo ka Da’ay Degaano ka Tirsan Puntland

Heemaall

Tirada Askarta Armenia Looga Dilay Dagaalka Azerbaijan Oo la Shaaciyay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More