Heemaal News Network

Maamulka Tigreyga Oo Dalbanaya Xabad joojin si loo soo Afjaro Xasarrada Taagan

Madaxweynaha maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Baaqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada dhinacyada isku haya colaada dalka Itoobiya”Madaxweynaha ayaa midowga Africa ka dalbaday inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

‘’Waxaan ku baaqayaa Ia qabto wadahadal lagu joojinayo dagaalka, ayuu yiri Debretsion Gebremichael sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Dhawaan ayeey aheyd markii QM ay soo saartay digniin ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigray, waxaana sheegtay in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amar Dul-dhigay Hay’adaha Garsoorka Ee la Ansixiyay.(Sawiro)

Heemaall

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadlay Banaan-baxii Burco Iyo Ciyaarta Maanta

Heemaall

Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Inay ka Baxday Heshiiskii ay kula jirtay Shirkadda Ninkeeda

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More