Heemaal News Network

Maareeyha Marsada Muqdisho Oo Ka Badbaaday Qarax Lala Beegsaday

Faah fahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaraxan dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala eegtay gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon.

Maareeyaha ayaa bad-qaba oo ma jirto waxyeello kasoo gaartay qaraxan, balse waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah askartii ilaalineysay.

Ciidamo dheeraad ah oo tagay halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo, waxaana la xiray wadada. Sidoo kale, gaadiidka gurmadka ah ayaa goobta ka qaaday dadka waxyeellada dhaawaca ah soo gaartay.

Related posts

Maamulaha Twitter-ka Oo Ka Hadlay Xanibaada Koontada Trump Ay Saartay Shirkadu

Heemaal

Taageerayaal Careysan Oo Rabshado ka Wada Magaalada Hargeysa.

Heemaall

Dowladda UK Oo Shaacisay Khatarta Noocyada Covid 19 Ee ka Jira Koonfur Afrika.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More