Heemaal News Network

Macalin Ilkacase Iyo Labbo Kale Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyey

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay saddex ka mid ah Al-Shabaab oo uu ku jiro Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Macalin Ilkacase.

Fagaaraha Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye ee Iskuul Boolisiyo ayaa saaka waxaa lagu toogtay Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo Xubno kale,kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dl ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Barnaamij gaar ah oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa waxaa laga diyariyay Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), kaasoo ku qirtay dilal uu ka geystay iyo kuwo uu abaabulay, waxaana Ilkacase ahaa Macalin wax ka dhiga Iskuulada lagu barto Luqadda Ingiriiska.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ka hadlay fulinta xukunka dilka, waxaana uu ka sheekeeyay heerarka uu soo maray xukunka dilka ee raggan lagu fuliyay.

Macalin Ilkacase iyo kooxdiisa ayaa dilalka ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, waxaa ku jiray Jeneraalo ka tirsan Ciidamada qalabka sida.

Related posts

Sacuudiga Oo Xukun Dil ah ku Riday Haweeney Dishay Gabar U Shaqaynaysay.

Heemaall

Trump Oo Markii Ugu Horaysay Qirtay in Laga Guuleystay

Heemaall

Wasiirada Caafimaadka Maamul Goboleedyada iyo Dawlada Oo Shir Uga Furmay Muqdisho

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More