Heemaal News Network
somali

Macron Oo Ka Mid Noqday 50.000 Oo Qof Oo Israel Jabsatay Telefoonadooda

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo la bar-tilmaameedsaday xogta Taleefanadooda.

Software-ka Pegasus ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan ka iibisa dowlado kala duwan oo caalamka ah.

Software-ka oo loo yaqaan Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira.

Baaritaankan lagu helay xogtan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Jaraa’idka ugu waaweyn caalamka oo ku jiraan Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo shirkadaha warbaahinta caalamka.

Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan.

Related posts

Mashiinka Oxygen-ta Dhaliya Oo la soo Gaarsiiyay Borama Xili Baahi-wayn loo Qabay.

Heemaall

Xassan Sheekh Oo ka Hadlay Go’aanka ay Qaateen Hirshabeelle iyo Galmudug RW Rooble.

Heemaall

Mareykanka oo Israa’iil ka Dalbaday Inay Cadayso Weerarkii Dhismaha Warbaahinta Jaziira Iyo AP.

Heemaall