Madaafiic Caawa Lagu Garaacay Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku Leeyihiin Degmada Balcad

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in tiro hoobiyaal ah ay ku soo dhacday meel aan ka fogeyn saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Balcad.

Saddex ruux oo isku qoys ah oo degen xaafada Xaawo Taako ee ka mid ah xaafadaha degmada balcad ayaa waxa ay ku dhaawacmeen kadib markii gurigooda uu ku soo dhacay hoobiye waxaana la dhigey isbitaal ku yaal degmada Balcad.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan afar hoobiye lagu soo tuuray saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiinmeel ku dhow warshadii hore ee dharka Balcad iyadoo saddex ka mid ah ay ku dhaceen meel banaan ah halka mid kale uu ku dhacay guri ay qoys rayid ah degenaayeen.

Guud ahaan ammaanka degmada Balcad ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dhowaan ay fariisimo ka sameysteen ciidamo Milatari ah degmada Balcad waxaana soo baxayay warar sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jiro degmada Balcad.

Deegaanada dhaca dhinaca galbeed ee degmada Balcad ayaa waxaa ku sugan xoogag ka tirsan Al-Shabaab,deegaanka Basra ayaa waxaa ka furan maxkamad loogu kala garqaado dadka degen degmada Balcad.

2-dii bishii March ee sanadkan ayaa xoogag ka tirsan Al-Shabaab waxa ay muddo saacado ah la wareegeen qeybo ka mid ah maamulka degmada Balcad.

© Heemaal News Netwok