Heemaal News Network
somali

Madax Kormeer Amni ku Tagtay Goob loo Asteeyay Doorashada Golaha Shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)ayaa maanta Booqday Goobaha loogu talo galay doorashooyinka ee Magaalada Beledweyne xilli ay ka socdaan dib u habeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynayo doorashooyinka dhowaanka la filayo in dalka ay ka dhacaan lagu qabto.

Madaxweyne ku xigeenka Goobaha uu booqday waxaa ka mid ah hoolasha loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka hoose, xarunta Guddiga Doorashada ay degayaan, guryaha loogu talo galay ergada iyo hoolasha Shirarka.

Madaxweyna ku Xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) oo shalay gaaray Magaalada Beledweyne ayaa kulamo ka wada magaalada Beledweyne kulamadaasi oo uu la yeelanayo Saraakiisha ammaanka, iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka, iyadoo kulamadaasi looga hadlayo xoojinta Iyo xaqiijinta ammaanka doorashooyinka.

Related posts

Booliska Norwey Oo Ganaaxay Raisal Wasaaraha Dalkaas Oo Jabisay Sharci

Heemaal

Wax ka Ogow Saacadaha kala Duwan Ee Sanadkan Muslimiinta Caalamku Soomayso.

Heemaall

Musharax la Tartamaya Cabdi Xaashi Oo la soo Saaray Iyo Gudiga Doorashada Doorashada G/Waqooyi Oo..

Heemaall