Madaxda Azerbaijan iyo Armenia Oo Wadahadalo Uga Bilowday Moscow Waqti Dagaalku sii Xoogaysanayo.

Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa wali isku horfadhiya gudaha iyo hareeraha Magaalada uu muranku ka taaganyahay ee Karabakh, Waxaana wadahadalada kasocda Moscow ay sare uqaadayaan rajada ah in lasoo afjaro dagaalada ugu dhimashada badnaa ee Koonfurta Caucasus in kabadan 25 sano.

Diblumaasiyiinta ugu sareysa Azerbaijan iyo Armenia ayaa ku shiraya magaalada Moscow iyadoo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka la haysto ee Karabakh uu galay maalintii 13-aad.

Labada dhinac ayaa bilaabay wadahadaladoodii ugu horreeyay ee heer sare ah, iyadoo rajo laga qabo in xabad-joojinta la dhexdhexaadiyo lagu dhawaaqo.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibada ee Ruushka Maria Zakharova ayaa barteeda Facebook soo dhigtay sawirka diblomaasiyiinta Russia, Armenia iyo Azerbaijan oo fadhiya miis wareegsan ee Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu casuumaad u fidiyay wasiirada arrimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijan, isagoo ku booriyay in la joojiyo dagaalka Nagorno-Karabakh, sababo bini’aadanimo awgood.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy