Madaxda Ehlusunnah Iyo Galmudug Oo Kulan Yeeshay

Warar ay heshay warbaahintu ayaa sheegaya in wadahadal uu magaalada Dhuusamareeb uu xalay uga bilowday Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Wal-jamaaca.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen, iyadoona kulankooda la sheegay inuu bilow u yahay wada-hadallo dhex-mara Madaxda Galmudug iyo Hoggaanka Ahlusunna .

Madaxweyne Qoor iyo Al-ashcari ayaa la sheegay in ay isku raaceen in markale kulan kale la isugu yimaado si meesha looga sii amba qaado wada-hadal dhex-mara Madaxda Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxda ururka Ahlusunna dagaal looga saaray degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee degaannada Galmudug oo in mudo ah ay maamulayeen.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy