Heemaal News Network
somali

Madaxda Galbeedka Africa Oo ka Shiraya Xaalada Maali.

Madaxda Afrikada Galbeed ayaa maanta ku kulmaya dalka Ghana si ay uga wada xaajoodaan afgembigii milatari ee labaad ee ka dhacay Mali. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka digay in Faransiiska uu ciidamadiisa kala bixi doono Mali haddii xaaladda dalkaasi ka taagan ay caqabad ku noqoto uulaha laga gaaray kacdoonka Islaamiyiinta.

Madaxda urur-goboleedka ECOWAS ayaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxa milatariga dalka Mali iyagoo kala hadlaya qaab xukunka loogu wareejin karo madaxweyne rayid ah.

Col. Assimi Goita ayaa hormuud ka ahaa afgembigii bishii August ee sanadkii hore isagoo mar kale xukunka la wareegay kaddib markii isku shaandheyn uu sameeyay Madaxweyne Bah Ndaw xilka looga qaatay labo xubnood oo ka tirsanaa milatariga.

Related posts

Shacabka Jigjiga Oo Aragtidooda Ka Dhiibtay Ku-dhawaaqida Golaha Wasiirada Ee Itoobiya.

Heemaall

Ahmed Madoobe Oo Kulan la Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Heemaall

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Koongo.(Sawirro)

Heemaall