Waqtiga la Qabanayo Doorashada Baarlamaanka & Madaxweynaha Oo Laga Heshiiyay.(Akhriso)

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa wali ka socda shir u dhaxeeya Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirkan go’aan looga gaari doonaa doorashada waqtiga ay dhaceyso iyo magacaabista guddiyada doorashada.

Sida aan wararka ku helnay Madaxda shirka u socdo ayaa inta badan isku raacay habka loo marayo magacaabista guddiyada doorashada heer federaalka iyo heer maamul goboleed iyo magacaabista guddiga khilaafaadka.

Madaxda shirsan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay isku raaceen waqtiga ay bilaabanayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhacaya Dowlad goboleedyada iyo Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda shirka uga socdo Madaxtooyada Soomaaliya in ay isku raaceen Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federeaalka bilaabato dhamaadka bishan October ayna socoto ilaa bisha November.

Waxaa sidoo kale Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee shirku u socdo isku raaceen in doorashada Xildhibaanada golaha shacabka bilaabato bisha November 2020 ayna socoto ilaa bisha January 2021=ka.

War Murtiyeed ay ku cad yihiin qodabada kasoo baxay heshiisyada ay dooareshada ka gaareen iyo sameynta guddiyada Dooraashada iyo khilaafaadka ayaa la filayaa in gabo gabada shirka kasoo saaraan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy