Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxda dowlada goboleedyada dalka, si ay ugu qeyb galaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho
Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in madaxweyneyaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Shirka wadatashiga ah ayaa waxaa uu saldhig u yahay talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Shirka ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shirsanaa magaalada Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey.