Heemaal News Network
somali

Madaxda Puntland Iyo Jubbaland Oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay Maanta Xarunta Xerada Xalane waxaa ay kulan kula yeesheen Wakiilada ka socda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Wakiilada, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Safiirada Mareykanka Ingiriiska ayaa Madaxweynayaasha Puntlanad & Jubbaland waxaa ay kala hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo muddo kororsiga loo sameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni & Axmed Madoobe ay Wakiilada Beesha Caalamka u jeediyeen in ay go’aan ka qaataan xalada dalka, isla markaana la badbaadiyo dalka.

Intaasi kadib Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in ay u dhoofeen degaannadooda, waxaana Madaweynaha Jubbaland uu muqdisho yimid 9-kii Bishii Maarso halka Madaxweynaha Puntland uu yimid 13kii Maarso.

Related posts

Dowlad Ugu Deeqday 31-Milyan Oo Dollar Afganistan-ta ay ka Taliso Taalibaan.

Heemaall

Maamulka Amxaarada Itoobiya Oo Jabhada Tigray Uga Digay Dagaal ay Ugu Hanjabeen.

Heemaall

Dowladda Sudan Oo ka Fiirsanaysa Heshiiskii ay la Galeen Raashiya.

Heemaall