Heemaal News Network

Madaxda QM Iyo Midowga Afrika Oo Mucaaridka Ugu Baaqay Wadahadal

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ugaga hadleen arrimaha siyaasada dalka iyagoo ku baaqay in siyaasiyinta ay wadahadal ka yeesheen khilaafka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan ku amaanaynaa shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya horumarka ay ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay dhinaca xasilinta dalka, Guulihii adkaa ee la soo hoyiyay ayaa markhaati u ah sida adag ee dadka Soomaaliyeed ay ugu go’antahay nabad iyo barwaaqo waarta, tobannaan sano oo xasilooni darro ah.”

Qoraalka ayaa sidoo kale loogu baaqay siyaasiyiinta soomaaliyeed sidii looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka.

“Gudoomiyaha iyo xoghayaha guud waxay ugu baaqayaan hogaamiyaasha soomaalida inay dib u bilaabaan wada hadalada kuna shaqeeyaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee ugu dambeeya ee doorashooyinka loo dhanyahay sida ugu dhaqsaha badan uguna ixtiraamaan heshiiskii ay wada gaareen 17kii Sebtember 2020.”

Related posts

Borama:-Saylici Oo Daahfuray Shirka Sanad Laha Ee Wasaarada Hawlaha Guud.

Heemaall

Dad Caraysan Oo Mudaharaad Rabshado Wata ka Dhigay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Dowlada Oo ka Hadashay Go’aankii Musharaxiinta ku Baajiyeen Banaan-baxii Beri.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More