Madaxii Amniyaadka Ee Ururka Alshabaab Oo Gacanta Lagu Dhigay

Wasiirka amniga Dowladda Somaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay madaxii amniyaadka Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

Hawlgal ay sameeyen ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay C/waaxid Khaliif Axmed oo madax u ahaa amniyaadka Shabaab.

Wasiir Islow, ayaanan bixin faah-faahin intaasi ka badan, balse dowladda ayaa sheegtay in la soo bandhigi doono Sarkaalkaan.

Amniyaadka Al Shabaab ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay  ka gaystaan dilalka qorsheysan oo ay la beegsadaan xubnaha ka tirsan Dowladda.

Dowladda Somaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaal Bartamaha caasimadda.