Heemaal News Network
somali

Madaxii Hawlgalinta Alshabaab Oo Gacanta Lagu Dhigay

Ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelada Hoose ayaa gacanka ku dhigay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab kadb howlgal ay ka sameeyeen gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Madaxii howlgelinta Al-Shabaab ee u qaabilsanaa gobolka shabeelada Hoose,. kaas oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan.

Ciidamada xoogga ayaa howlgalka si gaar ah ugu fuliyay deegaan lagu magacaabo Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale ciidamada xoogga ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka shabeellada hoose.

Howlgalka ayaa lagu qabtay seddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay hoobiyeyaal ku garaaceen degmada Awdhiigle.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Gobolka Tigray iyo Go’aanka Mucaaradka.

Heemaall

Rooble Oo ka Qayb-galay Caleemasaarka Madaxwayne Geele.(Sawiro)

Heemaall

Faysal Cali Waraabe Oo ku Baaqay In Sharci Ciqaabeed laa Sameeyo Dadka Qabiil Nacaybka ah.

Heemaall