Heemaal News Network
somali

Madaxtooyada Oo War kasoo saartay Ujeedka Safarka Xasan Sheekh ku Tagay Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunnida.

Madaxweynaha marka uu tago Masar ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda uga hadli doona iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

Related posts

Biden Oo Danbiile Dagaal ku Tilmaamay Putin-ka Ruushka.

Heemaall

Baarlamaanka Suudaanta Koonfureed Oo la kala Diray.

Heemaall

M/Xasan Sheekh Oo War kasoo Saaray Qaraxii ka Dhacay Marko

Heemaall