Heemaal News Network

Madaxtooyada Somaliya Oo War kasoo Saartay Shirka ka Furmay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda ay isla gorfeeyeen dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna.

Related posts

Madaafiic Lagu Garaacay Saldhiga Ciidamada Ee Gobolka Gedo

Heemaall

Liiska Dalalka Ugu Awooda Badan Milatariga Afrika Oo la Shaaciyay iyo Kaalinta Somalia ay kaga Jirto

Heemaall

Haweenay Madaxwaynaha Chile la Gashay Sawir ay ka Codsatay Oo la Ganaaxay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More