Heemaal News Network
somali

Madaxwaynaha Galmudug Oo la Kulmay Safiirka Itoobiya U Jooga Somaliya.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku dhax maray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo safiirka cusub ee dowlada Itoobiya dhawaan usoo magacawday Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka Dhax maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo Safiirka Itoobiya ayaa ahaa kulan isbarasho iyo kala warqaadasho , waxa ayna labada masuul sidoo kale kulankooda uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya .

Safiirka cusub ee dowlada Itoobiya usoo magacawday magaalada Muqdisho oo ah nin Soomaali ah ayaa bilaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar.

Itoobiya ayaa xiligan saameyn muuqata ku leh gudaha Soomaaliya, waxaana xiriir hoose oo wada shaqeyn ah xiligan u dhaxeeya Madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya Farmaajo iyo Abiy Axmed.

Related posts

Madaxda Puntland Iyo Jubbaland Oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Beesha Caalamka

Heemaall

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo War kasoo Saartay Go’aankii RW Rooble.

Heemaall

Daawo Fariinta Caafimaadka Ee Covid 19 Somaliland.

Heemaall