Heemaal News Network
somali

Madaxwaynaha Milatariga Ee Mali Oo Lagu Weeraray Salaadii Ciida Odxa.

Rag hubaysan ayaa mindi ku weeraray madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Mali Assimi Goïta waqti uu salaada ciida shacabka kula tukanayay masaajid ku yaal caasimada Bamako.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ragii weerarka soo qaaday la qabtay, iyadoo raga weerarka soo qaaday lagu sheegay laba nin, balse ma cada inuu hogaamiyaha milatariga uu ku dhaawacmay weerarkaasi iyo in kale.

Wasiirka Arrimaha Diinta Mamadou Kone ayaa sheegay in mid ka mid ah labada nin ee weerarka ku ahaa madaxwaynaha uu isku dayay inuu mindi ku dilo.

Madaxwayne Jeneraal Goïta, ayaa hogaaminayay afgambi milateri bishii Ogosto ee lasoo dhaafay uu ku qabsaday dalka ayaa ah ninka ugu awoodda badan dalkan aan xasiloonida lahayn ee ku yaala galbeedka Afrika.

Related posts

Joe Biden Oo Madax Xanuun ka Qaaday Daaalka Uu M/Erdogan Ugu Jiro Diyaarad Dagaal Oo Casri ah.

Heemaall

Borama:- Warbixin Laga Diyaariyay Dahab Laga Helay Dooxada Camuud Ee Bariga Borama

Heemaall

“Xoogagii Isbadal-diidka Waxaay soo Xidheen Shaadh Xisbiyo Mucaarad Ah”.M/Mustafe Cagjer.

Heemaall