Biixi Oo Daah Furay Wajiga Labaad Ee Mashruuca Sanduuqa Horumarinta SDF.(Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland, ayaa waxa kala qaybgalay Xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee Denmark, Holland iyo Ingiriiska, iyo masuuliyiin kala duwan.

Ugu horrayn Ku-xigeenka madaxa Horumarinta Somaliland ee Sanduuqa horumarinta Somaliland Mudane, Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda saarayo wejiga labaad ee mashruucani, waxana uu tilmaamay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu halbowle u yihiin wejiga labaad ee mashaariicda horumarinta Somaliland.

Morgan Ralley oo ku hadlayey magaca Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u maamusho.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda, ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee mashaariicda sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u horseedeen qaybihii kala duwanaa ee laga maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wejiga labaadna ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan doonaan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland, ayaa dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah Ingiriiska, Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba imannin wax shaki ahi,

“Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo naga go’an inaannu waddamada na taageera iyo dawladaha na taageera u caddaynaynaa inaanu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha Saaxiibka la ah Somaliland inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy