Heemaal News Network

Madaxwayne Biixi Oo kusii Jeeda Nairobi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu maalinta berri ah uu booqasho ku taggo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Kenya Mr. Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-diblomaasiyaddeed oo sare.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Muuse Biixi uu Casumaad ka helay dowladda Kenya, islamarkaana inta uu ku sugan Nairobi uu la kulmi doona Madaxda Sare ee dalkaasi.

Horay waxaa u jiray in uu dhowr jeer qorsheeyay in uu booqdo Kenya laakiin aysan suurtagalin Caddaadis Kenya uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Booqashada Muuse ayaa imaanaysaa xilli uu taagan khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana labada dal ay ukala yeerteen Safiiradooda.

Related posts

Gantaalo Lagu Weeraray Caasimada Amxaaradda Ee Bahirdar

Heemaal

Xiisad Colaadeed Oo ka Dhalatay Ganacsade Lagu Dilay Buuhoodle Iyo Rasaas ka Socota Caawa.

Heemaall

R/Wasaare Rooble Oo si Adag Uga Hadlay Rabshadihii ka Dhacay Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More