Heemaal News Network
Caalamka

Madaxwayne Buhari Oo Amray In Cirka Laga Duqeeyo Budhcad Ka Dilaacday Dalkiisa

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa amray in la qaado weerarro dhanka cirka ah oo ka dhan ah burcada, afduubayaalsha iyo kooxaha boobka u gaysa lo’da loo geysto eek u dhuumaalayta dhulka kayta ah ee dhaca xadka u dhaxeeya seddex gobol oo waqooyiga ah iyo gobolka bartamaha dalka.

Hadalkan madaxwaynaha ayaa waxa uu imaanayaa 2 maalmood kadib markii maalintii Sabtidii ay dabley hubaysan dishay 11 qof sidoo kalena afduubeen 4 haween ah gobolka Niger ee dalkasi.

Madaxweyne Buhari wuxuu ku tilmaamay weerarada budhcada ee soo noqnoqday ee ka dhaca gobolada Niger, Kaduna iyo Zamfara inay yihiin “musiibo”, wuxuuna sheegay in weeraro dhinaca cirka ay oo lagu qaado budhacdaas dhuumaalaysanaysa ay yihiin habka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo, maadaama ay wado la’aanta ay jirto, wadooyinkii halbawlayaasha ahaana ay noqdeen aagagga ay sida joogtada ah u weerarayaan kooxaha budhcada ah”.

Weeraradan dhinaca cirka ah ayaa taageeri doona ciidamadii Lugta ee isugu jiray Milatariga iyo Booliska ee degaanadaas ka hawlgalayay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More