Madaxwayne Deni Oo Shaaciyay Inuu Dhamaaday Walaacii Laga Qabay Doorashada Somaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay hehsiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka & jadwalka laga soo saaray xilliga ay dhacayaan doorashadooyinka Baarlamaanka labada Aqal, Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Madaxweyne sheegay waxaa uu sheegay in walwal badan oo ay ka qabeen dhinaca arrimaha doorashada Soomaaliya ay soo dhamaatay, isla markaana uu rajeynayo in muddooyinka soo socda in dalku uu geli doono doorasho, si nabad ah uu ku geli doono oo xasilooni ah.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli uu u ambabaxayay Magaalada Nairobi ayaa waxa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed deganaansho iyo nabad ay ku fara adeygaan , dowladdnimadooda ay gacantooda ku haystaan iyo inay amniga ku dadaalaan.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy