Heemaal News Network
Soomaaliya

Madaxwayne Geelaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxwaynaha Puntland.(Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kulan kula qaatay, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu horeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha dowladdnimada Soomaaliya iyo garab istaaga Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxay ka wada hadleen xaaladda Guud ee Soomaaliya, xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Kulanka Madaxweynaha dalka Jabuui iyo Madaxwenaha maamulka Puntland waxaa ka qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Wasiirada ee Puntland iyo Jabuuti, wuxuuna kusoo dhammaaday jawi wanaagsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More