Madaxwayne Geelle Oo Caddeeyey Mowqifka Xukuumada Jabuuti Ee Xiriirka Carabta iyo Israel.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka horyimid xiriir diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xiriirka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaareen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xiriirka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan.

Mr. Geelle ayaa sheegay in ay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana aysan hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xiriirka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda.

“Wadamo dantooda u arkay inay xiriir la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, Dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar aun rey gaarayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy