Madaxwayne Kenyata Oo Ogolaaday In Hoos Loo Dhigo Cashuuro Muran Dhaliyay

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ogolaaday in uu hoos u dhigo canshuurta shidaalka ee markii la dhaqan galiyay bishan horraanteedii horseedday mudaaharaadyada iyo carada baaxadda leh.

Isaga oo khudbad u jeediyay qarankiisa ayuu madaxweynuhu soo jeediyay in uu kala bar ka dhigo canshuurtii la damacsanaa in la saaro shidaal oo hadda lagu kordhiyo 8%.

Waxaan horay u tabinay in Kenyyata uu diiday qorshe muddo labo sano ah dib loogu dhigayay canshuurta la kordhinayo, taas oo u muuqatay in uusan meesha ka saaraynin qorshaha ay dad badani ka soo horjeedsadeen.

© Heemaal News Netwok