Heemaal News Network
Caalamka

Madaxwayne Putin Oo Ku Baaqay In Milatariga Shisheeyuhu Ka Baxo Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu sheegay in ciidamada militariga ee shisheeye ee ku sugan gudaha Suuriya looga baahan yahay inay dalkaasi ka baxaan, joojitaankooduna uu yahay mid sharci daro ah.

Madaxwayne Putin ayaa hadlkan sheegay mar uu u waramay idaacadaha kala ah Al Arabiya, Sky News Arabia iyo RT Carabi inta aanu u amba bixin booqasho uu ku tagayo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta (UAE), Putin wuxuu sheegay in ciidamada Ruushka ay ka baxayaan Siiriya haddii ay dowladiisu go’aansato sidaas.

“Haddii dowlada sharciga ah ee Suuriya ay go’aansato inaan baxno oo aanay noo baahnayn, waan soo afjaraynaa joogitaanka ciidamada Ruushka ee dalkaasi” ayuu yidhi Madxawayne Putin

Ruushka waa mid ka mid ah laba dale e taageerada milatari ee ugu balaadhan xukuumada dagaalka ku jirta ee Madaxweye Bashar al-Assad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More