Heemaal News Network
somali

Madaxwayne Putin Oo si Adag Ugu Digay Faransiiska iyo Jarmalka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saaka la hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz.

Sidoo kale waxa uu kala hadlay hubka ay siinayaan Ukraine inay tahay arrin halis ah isla markaana ka digay in xaaladda amniga ah iyo tan banii’aadanimo ay faraha kasii bixi karto waa haddii tallaabadaas ay sii wadaan.

Putin wuxuu intaa ku daray in uu diyaar u yahay sidii uu kusoo daabuli lahaa maraakiib siday harruur kuwaas oo ku xayiran dekedaha Ukraine tan iyo duulaankii uu Ruushka ku qaaday halkaas.

Putin wuxuu xaqiijiyay in uu diyaar u yahay in dib loo bilaabo wadahadallada lagu joojinayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka.
Putin Oo Kordhiyay Da’da Ciidamada Ruushka Looga Mid Noqon karo
Dhinaca kale Madaxweyne Putin ayaa saxiixay sharci lagu qaadayo xaddidaadda da’da askarta Ruushka looga mid noqon karo.

Sharcigan uu madaxweynaha qalinka ku duugay uu Arbacadi baarlmaanka dalkaasi meel mariyey ayaa oggolaanaya dadka ay d’dooa 40 jir ka weyn tahay iney askarinimo isu qori karaan.

Ciidamada qalabka sida ee Ruushka ayaa aad ugu dadaalaya in ay qortaan askar badan ka dib markii uu khasaara lixaad leh uu ka soo gaaray dagaalka Ukraine.

Moscow ma aysan sheegin tirada askarteeda dagalka ku waxyeellowday, balse Ukraine ayaa sheegtay in ku dhawaad 30,000 oo askari oo Ruush ah dagaalka lagu dilay.

Related posts

Ciidamada Danab iyo NISA Oo Howlgalo Wadajir ah Fuliyay.(Sawiro)

Heemaall

Guddiga Doorashada Fadaraalka Oo Degme Kale U Wareejay Kuraastii Garbahaaray

Heemaal

Biden Oo Kordhiyey Tirada Qaxootiga Maraykanku Qaato Sanadkii.

Heemaall