Heemaal News Network
somali

Madaxwayne Qoorqoor Oo Ka Digay Cawaaqib Xumo Ka Dhalatay Dibudhac Kale

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya ay dhowr jeer dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay, hayeeshee galmudug ay ku guukeysatay in waqtigii loo asteeyay ku dhameystirto doorashada.

Axmed Qoor Qoor oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay doonayaan in dalka markale uusan dib u laaban, isla markaana hadda ay dooran yihiin Xildhibaano ku filan in doorashooyinka inta dhiman ay guda galaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu sheegay in doorashada dhameystirkeeda ay ku xiran yihiin waxyaabo badan, sida la dagaalanka Al-Shabaab, la-dagaalanka Al-Shabaab & in dalka uu horay u socdo, isaga oo sheegay in dib u dhaca doorashada dad ay ka faa’iideeysanayaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmay xilli Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka shahaada siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada, balse ay kasoo horjeesteen Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Related posts

Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Dhagax dhigay Xarunta Caafimaad Ee Loo Dhisayo Xaafada Daami.

Heemaall

Shiinaha Oo Soomaaliya Ka Taageeraya Soo Afjarida Colaadaha

Heemaall

Madaxweyne Hore Axmed Cabdullaahi Oo loo Qorsheeyay Xakun Xabsi Daa’in ah.

Heemaall