Heemaal News Network
somali

Madaxwayne Zelensky Oo Ka Digay In Caawa Kiev Lala Wareego

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay in ciidamada Ruushka ay isku dayi doonaan inay qabsadaan caasimadda Kiev ka hor caawa, iyadoo Ruushku uu diiddan yahay qaraar Qaramada Midoobay ku cambaareeyey duullaankiisa, dalalka reer galbeedkuna waxay ku dhawaaqeen cunaqabatayn lagu bartilmaameedsanayo Vladimir Putin.

Warbaahinta Mareykankana waxay sheegtay in madaxweyne zalensky uu diiday dalab uga yimid Mareykanka oo ah in laga soo qaado Kyiv, isaga oo sheegay inuu u baahan yahay saanad dheeri ah balse baxsasho uu u baahneen.

Wasaaradda Caafimaadka Ukraine waxay sheegtay tani iyo marka uu billaawday dagaalka Ruushka iney dhinteen ku dhawaad 200 oo qof oo ay 3 carruur ah ku jiraan.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuuerta NATO Jens Stoltenberg wuxuu sheegay xulafadu iney marki ugu horreysay ay heegan ciidamada xaaladaha degdegga ah loogu talo galay. Waddamada xubnaha ka ah NATO waxay sheegeen iney sii wadayaan ciidamo iyo hub dheerad ah iney u diraan Ukraine.

Related posts

Ucid Oo ka Hadlay Mawqifkooda ku Aadan Talo Soojeedintii Guddida Dhexdhexaadinta

Heemaall

Dagaal Gacan ka Hadal ah Oo ka Dhacay Golaha Wakiilada Oo Ansixinayay Komishanka Ururada

Heemaall

Waxaan La Kulmi Jiray Cali Dheere Iyo Fu’aad Waanan Ka Soo Fakaday

Heemaal