Heemaal News Network

Ex Madaxwaynihii Tigrey Iyo Kuxigeenkiisii Oo Jeebo Lagu Keenay Addis.(Sawirro)

Madaxweynihii hore ee degaanka Tigray Abay Weldu iyo ku-xigeenkiisii hore Dr. Abraham Tekeste ayaa maanta laga dejiyey magaalada Addis Ababa iyagoo ka tiinadaysan.

Masuuliyiintan iyo Saraakiil kale ayey shalay ciidamada Itoobiya ka soo qabteen iyagoo ku dhuumanaya godadka dhul buuraley ah oo ku yaalla gobolka Tigray.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo la saftay TPLF iyo xubno ka tirsanaa maamulkii gobolka Tigray oo la soo qabtay ayaa ka mid ahaa dadka laga dejiyey magaalada Addis ababa.

Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Amaanka ayaa Wakaalada Waraka Itoobiya ee (ENA) u cadeeyay in wali la sii wado hawgalada sharciga lagu horkeenayo xubnihii TPLF ka tirsanaa oo qaarkood weli baxsad ku jira.

Related posts

Nin ku Faanay inuu Jabsaday Twitterka Trump Oo Su’aalo la Weediiyay.

Heemaall

Itoobiya Oo Qiratay Inay Ciidamadeedu Dileen Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobey.

Heemaall

Wasiirka Boosaha Oo Wax Laga Waydiiyay Ruqsadaha Lagu soo Rogay Shirkadaha Isgaarsiinta.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More