Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya Oo Gaaray Magaalada Hargeysa

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida oo ay kamid yihiin Wasiirka maaliyada Itoobiya iyo xubno kale oo kamid ah maamulka dowlad deegaanka ayaa gaaray Magaalada Hargrysa ee degaannada Somaliland.

Wafdiga Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabei, waxaana socdaalkooda uu la xiriiraa ka qeyb galka daah furka Dekada Berberaoo dib u habeyn lagu sameeyay.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Xubnaha la socda ayaa la filayaa in socdaal dhinaca dhulka ah ay uga ambabaxaan Magaalada Hargeysa, iyaga oo ku tagaya Magaalada Berbera.

Amniga Guud ee Magaalada Berbera ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan mas’uuliyiin kala duwan.

Related posts

Macron Oo Ka Mid Noqday 50.000 Oo Qof Oo Israel Jabsatay Telefoonadooda

Heemaal

Baarlamaanka Galmudug Oo ka Noqday Qodobkii ay ku Diideen Doorashada Gacan Taaga.

Heemaall

Borama:-Dadka Deeganka Siimoodi Oo Wado ka Furtay Buurta Macdanta Siimoodi Xariga-na Looga Jaray.

Heemaall