Heemaal News Network
somali

Madaxweynaha Galmudug Oo Dalbaday in Hubka Iyo Ciidanka Ahlu Suna Lagu Wareejiyo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa kulan kula qaatay halkaasi odayaasha iyo waxgaradka degmada Guriceel.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in hubka iyo ciidamada Ahlu Sunna lagu soo wareejiyo maamulka Galmudug, si uusan markale dagaal uga dhicin deegaanada maamulka Galmudug.

Dalabka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili dhawaan afar maalmood oo xiriir ah ay degmada Guriceel ku dhex dagaalamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Qoorqoor ayaa imaanaya xili ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo magaalada Dhuusamareeb u jirta ilaa 30KM, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna oo ku saabsan dalabka kasoo baxay madaxweynaha Galmudud Axmed Qoorqoor.

Related posts

Waraabe Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Hadalo Isku Waydaarsay Madal.

Heemaall

Gaas Oo Ka Hadlay Shaqa Joojintii Fahad Yasiin Uu ku Sameeyay Raysal Wasare Rooble.

Heemaall

Xiisad Iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Caawa Laga Dareemayo Muqdisho.

Heemaall