Heemaal News Network

Madaxweynaha Galmudug Oo Lagu soo Dhaweeyay Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweyne qoor qoor oo ka tegay Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa Magalada garoowe uu uga qeyb-geli doonaa Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madax ka tirsan dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.

Saacadaha soo soca ayaa waxaa la filayaa in Magalada garoowe ay gaaraan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxana Maanta la arkayay Ciidamada Ammaanka Puntland oo howlgallo gaadiidka iyo dadka saran lagu baarayo, iyaga oo ka sameynaya magalada Garoowe.

Related posts

Shacabka Muqdisho Siday U Arkaan Go’aanka Farmaajo Ee Kenya?

Heemaal

Nin Mindi ku Hubaysnaa Oo Dad Badan ku Laayay Shiinaha.

Heemaall

Biden Oo Khaliifay Buttigien Oo Ay Mar Isla Il Darnaayeen

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More